Saturday, September 14, 2024

Soomaaliya iyo Itoobiya oo shir uu uga furmayo magaalada Ankara

Maanta ayaa lagu wadaa si rasmi ah uu  uga furmo  magaalada Ankara ee dalka Turkiga, wadahadalo ay soo qaban qaabisay dowlada Turkiga, iyaga oo dhexdhexaadin ka dhex wada dowladaha Soomaaliya iyo, Itoobiya kaas oo ku aaddan heshiiskii ay Somaliland hore ula gashey Itoobiya .

Dawladda Turkiga ayaa warsaxaafadeed ay soo saartay ku sheegtay inay ka go’antahay inay  Dawladaha Soomaaliya iyo Itoobiya   dhex dhexaadiso si Heshiis ay uga gaaraan khilaafka u dhexeya labada Dawladood.

Sidoo kale Wasiirka Warfaafinta Somaliland oo ka hadlay wada hadallada Turkiga ee Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa ku eedeeyay Dawlada Soomaaliya inay doonayso inay qaadato doorkii saxeexa heshiiska Badda ee ay la galeen Itoobiya .

Ugu dambeeyntiin  Somaliland ayaa sheegtay in Dawlada Soomaaliya ay siin karto Itoobiya  inta ay maamusho, balse aysan bixin karin dhulka Somaliland ay leedahay.

Related Articles

Stay Connected

24,006FansLike
308FollowersFollow
290SubscribersSubscribe
spot_img
spot_img
spot_img

Latest Articles