Monday, February 10, 2025

Soomaaliya iyo Afrikada dhexe oo ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dal.

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Macallin Fiqi Axmed, ayaa maanta kula kulmay magaalada New York, Zénon Ngay Mukongo, Ergeyga Joogtada ee Jamhuuriyadda Dimoqraadiga Koongo u qaabbilsan Qaramada Midoobey.

Labada mas’uul ayaa wada hadlay sare-u-qaadidda xiriirka labo dhinaclaha iyo iskaashiga u dhexeeya labada dal, iyo sidoo kale horumarka siyaasadeed iyo amni ee Afrikada dhexe.

Kulanka ayaa diiradda lagu saarray kor-u-qaadidda xiriirka dhaqaale, dhowridda midnimada dhuleed iyo qarannimo ee labada dal ee Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Dimoqraadiga Koongo, iyadoo la isla soo hadal-qaaday muhiimadda ay leedahay in caqabadaha gobolka lagu xalliyo aragti Afrikaanku leeyihiin iyo xaqiijinta bedqabka iyo ammaanka ganacsatada Soomaaliyeed ee beec-mushtarka ku leh DRC, loona fududeeyo habraacyada, iyadoo la ilaalinayo naftooda iyo danahooda maaliyadeed.

Related Articles

Stay Connected

24,006FansLike
308FollowersFollow
290SubscribersSubscribe
spot_img
spot_img
spot_img

Latest Articles