Monday, February 10, 2025

Shirka amniga gobolka Banaadir oo looga hadlay furida waddooyinka iyo arrimo kale.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Maxamed Axmed Amiir ayaa shir gudoomiyay kulanka amniga Caasimadda oo ay goob ka ahaayeen Guddoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasada Gobolka Banaadir, taliyaha qeybta guud Gobolka Banaadir ee ciidanka Boliiska Soomaaliyed, taliyaha qeybta guud Gobolka Banaadir ee Ciidanka Nabad Sugida, Saraakiisha ciidanka boliis military Iyo Aggaasimaha guud ee Xafiiska duqa magaalada Muqdisho.

Kulankan amniga oo ka dhacay xarunta Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar ayaa diirada lagu saaray arrimo ay kamid yihiin dardargalinta amniga Caasimadda, Furista waddooyinka xiran, Taageerida xaquuqda askariga u taaganka sugida amniga, Kobcinta daqliga, u diyaar garowga Doorashooyinka iyo xoojinta isku xirka bulshada iyo hey’addaha amniga.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Maxamed Axmed Amiir ayaa bogaadiyay hormarka amniga ee kajira Caasimadda isaga oo si gaar ah talaabadaasi ugu amaanay saraakiisha iyo ciidanka qalabka sida ee had iyo jeer u taagan sugida nabadgalyada Magaalada.

Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Amiir ayaa tilmaamay in amniga uu fura u yahay horumarinta Caasimadda, sida maalgashiga, dib udhiska, isku socodka magaalada, bilicda, waxbarashada, Caafimaadka iyo horumarinta nolasha aas aasiga ah.

Related Articles

Stay Connected

24,006FansLike
308FollowersFollow
290SubscribersSubscribe
spot_img
spot_img
spot_img

Latest Articles