Sunday, April 27, 2025

RW Xamse oo Magacaabay RW ku xigeen labaad & Wasiiro.

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xamze Cabdi Barre ayaa magacaabay ra’iisul wasaare kuxigeenkiisa labaad ee xukuumadda Soomaaliya.

C/Sallaan Cabdi Cali oo ahaa Wasiirka Howlaha Guud ayaa loo magacaabay Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka labaad ee XFS.

Xukuumadda Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa noqotay Xukuumaddii u horeysay oo yeelatay Ra’iisul Wasaare kuxigeen labaad, kaddib Dowladdii KMG.

Muddo xileedkii hore ee Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa Xukuumaddiisa u horreeyay uu magacaabay ay yeelatay hal Ra’iisul Wasaare kuxigeen, taasoo meesha ka saartay Ra’iisul Wasaare kuxigeenadii saddexda ahaa ee Xukuumadihii dowladdii KMG ay laheyd.

Sidoo kale waxaa lafilayaa isku shaandheyn wasiiro oo saameyn doonta laba wasaaradood ,halka la isku badali doono dhawr Wasiir ku-xigeen iyo Wasiiru-Dowlayaal.

Si kastaba, Waxaa muuqata in loolankii u dhaxeeyay Xildhibaanada Waqooyi iyo kuwa Koofur Galbeed in lagu kala adkaaday.

Related Articles

Stay Connected

24,006FansLike
308FollowersFollow
290SubscribersSubscribe
spot_img
spot_img
spot_img

Latest Articles