Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa kulamo gaar gaar ah ka wada Magaalada Newyork ee dalka Mareykanka.
RW Xamse oo ka qaybgalaya shirka Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay, ayaa masuuliyiinta uu la kumay waxa aka mid ah, Danjiraha Mareykanka ee Qaramada Midoobay, Ambassador Linda Thomas-Greenfield, oo ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka iyo iskaashiga ka dhaxeeya labada dal Soomaaliya iyo Mareykanka.
Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Hamza Abdi Barre ayaa xarunta Qaramada Midoobay ee New York kulan kula yeeshay Amiirka leh dhaxalka dalka Kuwait, Sheekh Sabaax Khaalid Al-Hamad Al-Mubarak.
Ra’iisul Wasaaraha iyo Amiirka kulankooda waxa ay uga wada hadleen xoojinta cilaaqaadka iyo iskaashiga taariikhiga ah ee u dhaxeeya labada waddan ee walaalaha ah ee Soomaaliya iyo Kuwait, iyadoo Amiirku ugu hambalyeeyay dowladda Soomaaliyeed horumarka ay ka sameysay dhinacyada amniga, siyaasadda iyo dhaqaalaha.