Monday, December 2, 2024

RW Xamse oo buuxiyay Boosas ay baneeyeen Wasiiro ka tirsaana XFS.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa muddo 24 saac ah ku buuxiyay Boosaskii ay banneeyeen Wasiiru Dowlihii Wasaaradda Qorsheynta C/rashiid Jire Qalinle iyo Wasiir ku xigeenkii wasaaradda waxbarashada Axmed Cusmaan Daqarre.

Ra’iisul Wasaaraha Somalia Xamsa Cabdi Barre ayaa Wasiir ku-xigeen cusub u Magacaabay Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya

Wareegto ka soo baxday xafiiska raisul wasaaraha ayaa  loogu magacaabay Cabdirashiid Maxamed Ducaale, Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare.

Jagadan ayaa waxaa iska casilay Xildhibaan Axmed Cismaan Daqare oo ka soo jeeda degaanada Jubbaland oo qoraal uu soo saaray ku eedeeyey Xukuumada Ra’iisal wasaare  Xamse Barre inay ka leexatay wadadii saxda aheyd, isla markaana ay baal martay dastuurkii lagu soo doortay.

Sidoo kale Xildhibaan Axmed Cismaan Daqare ayaa la sheegay inuu ka mid yahay taageerayaasha Axmed Madoobe oo haatan khilaaf xoogan uu kala dhexeeyo madaxda DF.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa u magacaabay Mudane Axmednur Shiikh Maxamed Loxos, Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha.

Related Articles

Stay Connected

24,006FansLike
308FollowersFollow
290SubscribersSubscribe
spot_img
spot_img
spot_img

Latest Articles