Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa ugu hambalyeeyay saraakiisha, saraakiil xigeennada, aliflayda, dableyda iyo dhammaan qeybaha kala duwan ee Ciidanka Xoogga Dalka iyo qoysaskooda sannad guurada 65–aad ee ka soo wareegtay aas aaska Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed.
Mudane Xamsa ayaa sheegay in Xukuumadda DanQaran intii ay jirtay ay dadaal xooggan ku bixisay dhisitaanka, qalabaynta, tayeynta iyo xoojinta cududda Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayna guulo waaweyn ka soo hooyeen cadowga dalkeenna u diidan horumarka ee Khawaarijta.
Mudane Xamsa ayaa hoosta ka xariiqay ahmiyadda weyn ee qarankeennu u leeyahay ciidan awood leh oo si buuxda u hanta sugidda ammaanka iyo xuduudaha dalka, kana difaaca shacabka Soomaaliyeed khatar kasta oo cadowgu ay soo maleegaan.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa Alle uga baryay naxariistiisa Janno in uu ugu deeqo dhammaan geesiyaasha Ciidanka Xoogga Dalka ee u shahiiday iyagoo difaacaya dadkooda iyo dalkooda.