Monday, October 14, 2024

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo New York kula kulmay Wakiilka Midowga Yurub ee geeska Afrika.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda JFS, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa kulan kula yeeshay madasha shirka Qaramada Midoobay ee New York, Wakiilka Gaarka ah ee Midowga Yurub u qaabbilsan Geeska Afrika Annette Weber.

Ra’iisul Wasaaraha iyo Wakiilka Midowga Yurub ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka iyo wadashaqeynta ka dhaxeysa EU iyo Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada horumarinta dhaqaalaha, amniga iyo siyaasadda.

Waxa ay isla soo qaadeen caqabadaha soo wajahaya gobolka Geeska Afrika, iyagoo hoosta ka xariiqay baahida loo qabo in ay muhiim tahay in laga wada shaqeeyo amniga iyo nabadda gobolka.

Related Articles

Stay Connected

24,006FansLike
308FollowersFollow
290SubscribersSubscribe
spot_img
spot_img
spot_img

Latest Articles