Monday, December 2, 2024

Ra’iisul wasaare Xamsa oo ka tacsiyeeyay geerida wariye Cabdirisaaq Xaaji Maxamed Siraad.

-Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre,ayaa ka tacsiyeeyay Geerida wariye Cabdirisaaq Xaaji Maxamed Siraad oo ahaa saxafi in mudda ah ka shaqeynaayay idaacaddii  BBC-da laanteed afka Soomaaliga, isaga oo mudooyinkii dambe ku xanuusanaa magaalada Hargeysa.

Ra’iisul wasaaraha ayaa sheegay in uu wariye Cabdirisaaq Xaaji, door muhiim ah ka soo qaatay horumarinta afka- Soomaaliga, dhaqanka iyo wacyigelinta bulshada, isaga oo tilmaamay in uu ahaa tiir isku xira guud ahaa bulshada Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogto.

Waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoyska, ehelada, qaraadabada, bahda warbaahinta iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed geerida naxdinta leh ee ku timid Allaha u naxariistee Rugcaddaa saxaafadeed Cabdirisaaq Xaaji Maxamed Siraad oo caawa ku geeriyooday magaalada Hargeysa”. Ayuu yiri, Ra’iisul wasaare Xamsa Cabdi Barre.

Ra’iisul wasaaraha ayaa  Alle uga baryay inuu Janadii Fardowso ugu bishaareeyo, qoyskii, qaraabada, asxaabtii iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed Samir iyo Iiman Alle ka siiyo.

Related Articles

Stay Connected

24,006FansLike
308FollowersFollow
290SubscribersSubscribe
spot_img
spot_img
spot_img

Latest Articles