Monday, February 10, 2025

Ra’iisul Wasaare kuxigeenka dalka oo kormeeray Wasaaradda Amniga iyo Hay’adda Socdaalka.

Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa kormeer shaqo ku tagey xarumaha Wasaaradda Amniga Gudaha iyo Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda, isagoo u kuurgalay habsami u socodka howlaha shaqo iyo adeegyada ay shacabka Soomaaliyeed u hayaan.
Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka, ayaa ka dhageystay masuuliyiinta Wasaaradda iyo Hay’adda Socdaalka ee uu kormeeray, warbixinno kala duwan oo la xiriira, howlaha shaqo ee ay Qaranka u hayaan, gaar ahaan dhinacyada Amniga iyo Socdaalka.
Mudane Saalax ayaa ku bogaadiyey masuuliyiinta iyo hawlwadeennada Wasaaradda Amniga Gudaha iyo Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda shaqooyinka ay dalka u hayaan, waxa uuna kula dardaarmay in ay sii dardargeliyaan howlaha horyaalla, maadaama ay muhiim u yihiin amniga guud ee dalka.

Related Articles

Stay Connected

24,006FansLike
308FollowersFollow
290SubscribersSubscribe
spot_img
spot_img
spot_img

Latest Articles