Thursday, June 19, 2025

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka koowaad oo xilka u kala wareejiyay Guddoomiyaha cusub iyo midkii hore ee G/Banaadir .

Ku simaha Ra’iisul Wasaaraha ahna Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa xilka u kala wareejiyay Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir ahna Duqa caasimadda Muqdisho, Mudane Xasan Maxamed Xuseen “Muungaab,” iyo Guddoomiyihii hore, Mudane Maxamed Axmed Amiir.

Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka oo munaasabadda ka hadlay ayaa yiri, “Waxaa naga go’an in talada dadka dib loogu celiyo dadka Soomaaliyeed ee ku nool caasimadda magaalada Muqdisho, in ay iyagu soo doortaan madaxdii hoggaamin lahayd”.

Mudane Saalax, ayaa kula dardaarmay guddoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir in uu si hufan oo daacadnimo leh ugu adeeggo bulshada Gobolka Banaadir, uuna sii wado dadaallada lagu horumarinayo amniga, nadaafadda, bilicda iyo adeegyada bulshada ee caasimadda Muqdisho. Waxa uuna Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir uga mahadceliyey shaqadii wanaagsanayd ee uu soo qabtay muddadii uu xilka hayey.

Related Articles

Stay Connected

24,006FansLike
308FollowersFollow
290SubscribersSubscribe
spot_img
spot_img
spot_img

Latest Articles