Thursday, January 2, 2025

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo xarigga ka jaray xarunta Daryeelka Dhaawacyada iyo Xaaladaha Deg-degga ah .

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in Xukuumaddiisu hirgalisay xarumo badan oo ay ka midyihiin xarunta kaydka dhiigga oo markii ugu horreysay dib loo hawlgaliyey iyadoo lagu sameeyay dayactir dhammaystiran, Xarunta gurmadka xaaladaha deg-degga ah iyo dhismayaasha xarumaha kala duwan ee caafimaadka, wuxuuna adkeeyay inay ka go’an tahay dhamaystirka dhismaha iyo qalabaynta isbitaalka xoogga dalka iyo kulliyadda Jaalle Siyaad.

Xaruntan oo lagu dhisay dhaqaalihii shacabka Soomaaliyeed ugu gurmadeen musiibadii qaraxii Soobe 2, ayaa ka kooban qeybta bukaanka lagu daryeelo, qeybta dhalmada iyo qeybta xaaladaha deg-degga ah ee lagu daaweeyo dhaawacyada culus waxayna qeyb wayn ka noqon doonta gurmadka xaaladaha deg degga ah.

Mudane Xamsa ayaa u mahadceliyey Guddiga gurmad Qaran sida ay u maareeyeen dhaqaalihii shacabka Soomaaliyeed isugu gurmadeen, isagoo tilmaamay in xaruntan qeyb wayn ka qaadan doonto daawaynta iyo daryeelka ciidanka iyo shacabka Soomaaliyeed ee dagaalka kula jira kooxaha Khawaarijta.

Related Articles

Stay Connected

24,006FansLike
308FollowersFollow
290SubscribersSubscribe
spot_img
spot_img
spot_img

Latest Articles