Monday, October 14, 2024

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo xalay ka khudbeeyay Shirka Golaga Guud ee QM.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa khudbad muhiim ah ka jeediyay Shirka Golaha Guud ee Qaramada Midoobay, kaasoo ka dhacay xalay. Khudbaddiisa, Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu diiradda saaray xaaladda Soomaaliya, gaar ahaan dagaalka lagula jiro kooxaha Al-Shabaab iyo dadaallada dowladdu ku bixinayso xasilloonida iyo horumarka dalka.

Waxa uu sidoo kale ka hadlay xiisadda ka taagan xuduudaha u dhexeeya Soomaaliya iyo Itoobiya, gaar ahaan arrimaha ku saabsan muranka dhanka badda iyo iskaashiga labada dal ee dhinacyada amniga iyo dhaqaalaha. Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu carabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la xalliyo khilaafaadka si nabad ah, iyadoo loo marayo wadahadallo iyo iskaashi nabadeed oo wax ku ool ah.

Intaa waxaa dheer, Xamsa Cabdi Barre ayaa si gaar ah uga hadlay xaaladda murugsan ee ka taagan Marinka Gaza, isagoo xusay dhibaatada bani’aadamnimo ee halkaa ka jirta, wuxuuna ugu baaqay beesha caalamka in ay si degdeg ah uga jawaabaan xaaladdaas. Waxa uu ku celceliyay in loo baahan yahay xal waara oo laga gaaro colaadda ka taagan gobolka, lana ilaaliyo xuquuqda shacabka reer Falastiin.

Khudbadda Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale ku qotontay isku xirka Soomaaliya iyo ajendayaasha caalamiga ah, sida la dagaallanka argagixisada, isbeddelka cimilada, iyo ka qaybqaadashada horumarinta dhaqaalaha caalamiga ah.

Related Articles

Stay Connected

24,006FansLike
308FollowersFollow
290SubscribersSubscribe
spot_img
spot_img
spot_img

Latest Articles