Dowladda Qatar ayaa Sabtidi shalay ku dhawaaqday in ay hakisay dowrki ay ku laheyd dhexdhexaadinta wadahadallada muhiimka ah ee lagu rabay in xabad joojin lagu kala dhex dhigo Isra’il iyo Xamaas, si loo soo afjaro dagaalka Gaza isla markaana loo guryo naqo la heystayaasha Isra’il ee ku sugan Gaza.
Qatar waxay sheegtay in tallaabadani ay u qaadday sababo ay ku sheegtay niyad jabka ka dhashay horumar la’aanta heshiiska xabbad joojinta ee Gaza.
Qatar waxay kaloo sheegtay in aysan miiska wadahadalka ku soo laaban doonin ilaa ay niyad wanaagsan oo ku qotoma wadahadallada la imanayaan Xamas iyo Isra’il.