War-saxaafadeed kasoo baxay kulan ay yeesheen saraakiisha socdaalka iyo hay’adaha amniga ayaa lagu sheegay in tahriibka sii kordhaya uu halis weyn ku yahay dhalinyarada Soomaaliyeed.
Go’aannada kasoo baxay kulankan ayaa muujinaya in hay’adaha Puntland ay u baahan yihiin inay si wadajir ah uga shaqeeyaan ka hortagga tahriibka, iyadoo la isku raacay in tallaabo laga qaado tahriibayaasha iyo shabakadaha tahriibinta ka shaqeeya. Shirkadaha diyaaradaha iyo xafiisyada tigidhada, ayaa lagu amray inay hubiyaan saxnaanta dokumentiyada rakaabka ka dhoofaya garoomada.
Puntland ayaa caddeysay in qof kasta oo lagu qabto garoomada Puntland isagoo ku lug leh tahriib ama adeegsanaya dukumentiyo been abuur ah uu wajahi doono ciqaab adag oo sharciga waafaqsan.
Garoonka diyaaradaha Garowe aya noqday meesha ugu badan ee laga tahriibiyo dhalinyarada Puntland.