Saturday, June 21, 2025

Puntland iyo SSC Khaatumo oo isku haya lahaanshiyaha degaano kuyaala xadka labada maamul

Khilaaf ku saabsan lahaanshaha dhul ayaa ka dhex aloosan maamullada Puntland iyo SSC-Khaatumo, kaasoo salka ku haya deegaanno ku yaalla xadka ay wadaagaan labada dhinac.

Maamulka Puntland ayaa shalay ciidamo u diray deegaanka Shaxda ee gobolka Karkaar, halkaas oo ay maalin ka hor tageen saraakiil iyo masuuliyiin ka tirsan maamulka SSC-Khaatumo.

Sida lagu sheegay war kasoo baxay booliska Puntland, maleeshiyaad hubeysan oo sheegtay inay kasoo jeedaan deegaanka Taleex ayaa si dhuumaaleysi ah ku galay Shaxda.

Shaxda, oo ku taalla xadka gobolka Sool, waxaa horey u sheegan jiray Somaliland. Si kastaba ha ahaateen, Puntland ayaa ku eedeysay SSC-Khaatumo inay ku hawlan tahay sheegashada dhul ka tirsan Puntland.

Wasiirka Warfaafinta Puntland, Maxamuud Caydiid Dirir, ayaa ku eedeeyay madaxweynaha SSC-Khaatumo inuu isku dayayo in uu Puntland ka gooyo qaar kamid ah gobolladeeda, arrintaas oo uu ku tilmaamay mid aan la aqbali karin.

Tan iyo markii Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre uu booqday magaalada Laascaanood, xiriirka u dhexeeya Puntland iyo SSC-Khaatumo ayaa sii xumaanayay. Puntland ayaa weli u aragta SSC-Khaatumo inay qeyb ka tahay maamulka Puntland.

Related Articles

Stay Connected

24,006FansLike
308FollowersFollow
290SubscribersSubscribe
spot_img
spot_img
spot_img

Latest Articles