Thursday, June 19, 2025

MW Cali guudlawe oo kormeeray Ciidamada kusugan Raagge-Ceelle ee G/SH/dhexe.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle, Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe), ayaa maanta gaaray degmada Raagge-Ceelle, si uu u dardar geliyo abaabulka gulufka mideysan ee ka dhanka ah Khawaarijta. Kormeerkan ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu mideynayo howlgallada lagu ciribtirayo Khawaarijta ee ka socda deegaannada Hirshabeelle.
Madaxweynaha ayaa kulan la qaatay guddoomiyaha degmada, saraakiisha ciidamada qalabka sida iyo kuwa deegaanka, isagoo dhiirrigeliyay isku-duubnida iyo adkeynta diyaar-garowga. Wuxuu tilmaamay in gulufka cusub uu ka bilaaban doono deegaanno badan oo muhiim ah, isagoo xusay in kulanka xiga lagu qaban doono deeganada ku jira gacanta Khawaarijta.

Related Articles

Stay Connected

24,006FansLike
308FollowersFollow
290SubscribersSubscribe
spot_img
spot_img
spot_img

Latest Articles