Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa si rasmi ah u furay kal-fadhiga 17-aad ee Baarlamaanka Dowladda Hirshabeelle.
Ugu horeyn Guddoomiyaha Baarlamaanka Dowladda Hirshabeelle Mudane Cabdixakiin Luqmaan Xaaji Maxamed ayaa Madaxweynaha kusoo dhaweeyay fadhiga Baarlamaanka.
Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle ayaa jeediyay khudbad uu kaga hadlay arrimo dhowr ah.
“Siyaasad xasiloon ayaad ku shaqeyseen, Guddoonka iyo Xildhibaanada Hirshabeelle waxay kaalin weyn ka qaateen howlgalka dabar-goynta Khawaarijta.”
Gabogabadii, Madaxweynaha ayaa Rabbi uga baryey inuu ku asturo waajibaadka shaqo ee ku hor-gudban xildhibaanada Dowladda Hirshabeelle.




