Wednesday, February 12, 2025

MW Cali guudlaawe oo saxiixay hindise sharciyeed muhiim ah.

Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa maanta xafiiskiisa waxa uu ku saxiixay Hindise Sharciyeedka Shatiyada iyo Sumadaha Ganacsiga iyo Warshaddaha.
Sharcigan oo ay soo diyaarisay Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshaddaha Dowladda Hirshabeelle ayaa horay uga soo gudbay Golaha Wasiirrada iyo Baarlamaanka Dowladda Hirshabeelle.
“Sharcigaan waxa uu dhiirogelin u yahay ganacsatada Hirshabeelle iyo cid walba oo maalgashi ku sameysaneyso deegaanada iyo magaalooyinka ganacsi ee Hirshabeelle.”
Gabogabadii Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle ayaa faray Hay’addaha amniga ilaalinta hantida iyo nafta ganacsatada Hirshabeelle.

Related Articles

Stay Connected

24,006FansLike
308FollowersFollow
290SubscribersSubscribe
spot_img
spot_img
spot_img

Latest Articles