Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle iyo Ra’iisulwasaare ku-xigeenka 2-aad ee XJFS Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali ayaa si wadajir ah u furay Madasha Mashruuca Biyo-xireenka Jowhar ee loo yaqaano (Sabbuun).
Madashan waxaa goobjoog ahaa Wasiirada Wasaarradaha heer Federal iyo Dowlad Hirshabeelle ee uu mashruucan khuseeyo, safiirada Dowladdaha ka qeybqaadanayo mashruucan waxaana ka mid ah Mareykanka iyo Ingiriiska.
Sidoo kale waxaa shirkan kasoo qeybgalay ku-xigeenka Ergayga Gaarka ah ee Qaramada Midoobe ee Soomaaliya Mr. George Conway ahna isku-duwaha arrimaha Bini’aadanimada.
Mashruuca Jowhar Offstream Storage Programme (JOSP), ayaa kaalin weyn ka qaadan doono maareynta Kheyraadka Biyaha si uu ula dagaalamo khatarta Laba-geesoodka ah ee fatahaadaha iyo abaaraha ee muddada dheer aafeeyay Hirshabeelle.
“Waxaan haysanaa fursad aan ku soo noolayno dadkeena beeralayda ah. Tani kaliya kor uma qaadi doonto haqab-beelka cuntada, laakin waxay sidoo kale abuuri doontaa shaqo, waxayna yaraynaysaa ku tiirsanaanta cuntada la soo dhoofiyo”
Mashruucaan biyo-xireenka Jowhar waxaa ka faa’ideysan doono qiyaastii 1.6 Miyan oo qof. Mashruucaan hadii uu guuleysto wuxuu wax ka beddeli doonaa, Beeraleyda, Xoolo dhaqatada iyo bulshooyinka nugul.