Wednesday, September 18, 2024

Maxkamadda Sare oo Bilaawday Dacwadda Kiiska Sayid Cali Macallin Daa’uud.

Maxkamadda Sare ee Soomaaliya ayaa maanta si rasmi ah u guda gashay kiiska Sayid Cali Macallin Daa’uud, oo horey loogu soo eedeeyay inuu gubay xaaskiisa uurka lahayd. Sayid Cali ayaa horey loogu xukumay dil toogasho ah kadib markii lagu helay dambiga, xukunkan ayaa waxaa soo saaray maxkamadda darajada koowaad iyo maxkamadda racfaanka ee gobolka Banaadir.

Fadhiga maanta oo ahaa midkii ugu horreeyay ee Maxkamadda Sare ka yeelato kiiskan, waxaa shir guddoominayey Guddoomiyaha Maxkamadda Sare, Baashe Axmed Yuusuf. Kulankan ayaa waxaa sidoo kale goob joog ka ahaa xeer-ilaalinta iyo qareennada difaacaya eedeysanaha.

Kiiskan oo soo jiitamayey muddo dheer ayaa hadda maraya heerkii ugu dambeeyay, iyadoo dadka Soomaaliyeed ay si weyn u daneynayaan go’aanka kama dambeysta ah ee Maxkamadda Sare oo la filayo in dhawaan la soo saaro. Dhacdadan ayaa ka dhacday degmada Dharkenley, waxayna tahay mid ay dad badan aad uga xumaadeen.

Related Articles

Stay Connected

24,006FansLike
308FollowersFollow
290SubscribersSubscribe
spot_img
spot_img
spot_img

Latest Articles