Gudoomiyaha Degmada Dhuusamareeb Macalin Cabdiraxman Geedaqorow iyo saraakiil ka tirsan laamaha Amniga Galmudug oo ay wehliyaan dhalinyaro Degaanka ah ayaa gaaray Deegaannada Xananleeey, Garsaalo, Afweeyne-banaan, Mareergur iyo Bidhaan-dheere oo ahaa halkii ay ku dagaalameen maleeshiyo beeleedyo kaas oo sababay dhimasho iyo dhaawac.
Ciidamo oshu jira Boolis iyo Nabad sugid ayaa la geeyay degaanada dagaalada ay dhaceen waxaana lagu ku guuleestay in lakala qaado maleeshiyaadkii ku dagaalamay.
Masuuliyiinta ayaa dadka Faray in aysan colaad dambe deegaanada aysan ka dhicin kana fogaadaan colaad beeleeduada , waxaa ayna aad u soo dhaweeyeen baaqi nabadeed ee cilimada iyo wax garadka Galmudug ee lagu nabadeeynayo Dadka colaada ay ka dhexeyso ee Galmudug.
Sidoo kale maanta ayaa la filayaa la fidiyo Gogol nabadeed ee lagu heshiisiinayo Beelihii dirirta ay ku dhex martay duleedka Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimada Galmudug , iyadoo ay kasoo qayb galayaan qaybaha kala duwan bulshada iyo dhinacyadii dagaalamay