Thursday, January 23, 2025

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmaya Dhiggiisa dalka Jabuuti.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa Xalay lagu soo dhaweeyey magaalada Jabuuti dalka  ee Jabuuti.

Madaxweynaha iyo Xubnaha la socda  ayaa garoonka diyaaradaha Jabuuti  waxaa ku soo dhaweeyey Raโ€™iisul Wasaaraha dalka Jabuuti Mudane Cabdulqaadir Kaamil Maxamed iyo xubno ka tirsan Dowladda Jabuuti.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Maanta kulan la qaadan doono Madaxweynaha Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle, iyaga oo ka wada hadli doono xoojinta xiriirka taariikhiga ah ee walaalnimo ee ka dhaxeeya labada dal, gaar ahaan iskaashiga iyo arrimaha ahmiyada u leh labada dowladood.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa socdaal shaqo ku maraya dalalka bahwadaagta la ah Soomaaliya ee gobolka ku yaalla.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa safarkaan ku soo maray dalalka Uganda iyo Burundi oo sida Jabuuti ay ciidamo ka joogaan Soomaaliya, wuxuuna lasoo galay heshiisyo oo qaarkood warbaahinta lala wadaagay.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa Kampala iyo Bujumbura ku tegay casuumaad uu ka helay madaxweynayaasha dalalkaas, waxaana kulamadii dhacay looga hadlay howlgalka ka socda Soomaaliya, gaar ahaan jiheynta ciidamada bedelaya ATMIS.

Related Articles

Stay Connected

24,006FansLike
308FollowersFollow
290SubscribersSubscribe
spot_img
spot_img
spot_img

Latest Articles