Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa maanta gaaray deegaanka Burka Dirmeed oo uu ka socdo shirweynaha nabadeynta beelaha Gobolka Shabeellaha Dhexe.
Madaxweyne Cali Guudlaawe waxaa gogosha nabadeynta ee Burka dirmeed ku soo dhoweeyay Mas’uuliyiin waxgarad iyo xubno kale .
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo ay wehliyaan , Imaam Daahir Imaam Maxamuud, Ugaas Maxamuud Cali Ugaas, Waxgarad iyo Masuuliyiin ayaa hore ugu sugnaa Burka Dirmeed halkaas oo ay ka socotay Nabadeynta Beelo walaalo ah oo ku dagaalamay degaanno ka tirsan gobolka Shabeelada Dhexe.