Thursday, June 19, 2025

Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle oo kormeeray difaacyadda ciidanka qalabka sida.

Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa maanta kormeeray difaacyada ciidamada qalbka sida iyo xaq-u-dirirka deegaanka ee ku sugan degmada Cali Gaduud ee Gobalka Shabeellada Dhexe.

Saraakiisha ciidamada qalabka sida ayaa ugu horeyn uga warbixiyay Madaxweynaha howlgalka dabar-goynta Khawaarijta.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa dhiirogelin ugu tagay ciidamada Xaq-u-dirirka deegaanka kuwaas oo ka hortaagan Khawaarijta damacooda guracan.

“Halgan naf-hurnimo oo aan ku badbaadineyno dhiigga iyo karamada shacabka Soomaaliyeed ayaan ku jirnaa waana ka guulleysaneynaa burcad-diimeedka soo xad-gudbay.”

Ugu dambeyn Madaxweynaha ayaa ugu baaqay shacab iyo madax in furimaha dagaalka la yimaado si wadajir ahna looga adkaado Khawaarijta.

Related Articles

Stay Connected

24,006FansLike
308FollowersFollow
290SubscribersSubscribe
spot_img
spot_img
spot_img

Latest Articles