Saturday, June 21, 2025

Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo booqday furimaha dagaalka si uu u dhiirrigeliyo ciidamada qalabka sida.

Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa booqday furimaha hore ee dagaalka si uu u dhiirrigeliyo Ciidamada Qalabka Sida ee halkaas ugu sugan halganka dagaal ee dalka looga xoreynayo Khawaarijta.

Madaxweyne Laftagareen ayaa kulan gaar ah la yeeshay saraakiisha hoggaanka ciidamada, isagoo ka dhageystay warbixin ku saabsan xaaladda amni, guulaha laga gaaray dagaalka iyo caqabadaha jira, isagoo uga mahadceliyay geesinimada iyo naf-hurnimada ay u muujiyeen difaaca dalka.

 

    

Related Articles

Stay Connected

24,006FansLike
308FollowersFollow
290SubscribersSubscribe
spot_img
spot_img
spot_img

Latest Articles