Wednesday, February 12, 2025

Madaxweynaha JFS oo kormeer shaqo ku tagay xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeer shaqo ku tagay xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga XJFS.
Madaxwaynaha ayaa kulamo miro-dhal ah la qaatay Taliyeyaasha Ciidamada Qalabka Sida si loo dardargeliyo howlgallada lagu ciribtirayo khawaarijta.
Madaxwaynaha Jamhuuriyadda ayaa sidoo kale ka dhageystay hoggaanka Ciidamada Qaranka warbixinno ku saabsan xaaladda guud ee amniga dalka, dagaalka lagula jiro argagixisada iyo sidii loo sii xoojin lahaa, isaga oo ku bogaadiyey daddaallada geesinnimada iyo nafhurinimada leh ee ay muujiyeen Ciidammada Xoogga Dalku.

Related Articles

Stay Connected

24,006FansLike
308FollowersFollow
290SubscribersSubscribe
spot_img
spot_img
spot_img

Latest Articles