Monday, February 10, 2025

Madaxweynaha Hirshabeelle oo qaabilay xubnon ka mid ah guddiga doorashooyinka Qaranka.

Wafdi ka socda Guddiga Madaxa-bannaan ee doorrashooyinka Qaranka iyo Soodimaha ayaa maanta soo gaaray caasimada Dowladda Hirshabeelle ee Jowhar waxaana garoonka diyaaraddaha Maxamed Dheere kusoo dhaweeyay madaxa xafiiska guddiga doorashada Hirshabeelle Mudane Maxamed Xuseen Maxamuud.

Xubnaha Guddiga ee shaqada u yimid waxaa hoggaaminayay Mudane Cabdi Caddoow Maxamed.

Masuuliyiintan ayaa loo soo gelbiyay xarunta madaxtooyadda halkaasi oo ay kulan kula yeesheen Madaxweynaha Dowlad Gobolleedka Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe).

“Doorasho qof iyo cod ah waa mudnaanta shacabka Hirshabeelle waana lagama maarmaan inaan ku hoggaamino haddii uu Alle idmo.”

Xubnaha Guddiga Madaxa-bannaan Ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soodimaha ayaa muddada ay joogaan waxa kale oo ay kulan la qaadan doonaan qeybaha bulshada waxa kale oo ay booqan doonaan goobaha loo asteeyay inay doorashada ka dhacdo.

Related Articles

Stay Connected

24,006FansLike
308FollowersFollow
290SubscribersSubscribe
spot_img
spot_img
spot_img

Latest Articles