Thursday, January 16, 2025

Madaxweynaha Hirshabeelle oo furay kulan looga hadlayay horumarinta Caasimadda

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa kulan la qaatay Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Maamulka Caasimadda iyo Golaha Deegaanka Degmada Jowhar.

Kulanka ayaa lagu soo bandhiggay sida uu uga shaqeeyo caasimada Jowhar mashruuca Dowlad-kaab oo ay iska kaashadaan Dowladda Soomaaliya, UNDP, UN-HABITAT iyo UNICEF.

Sidoo kale kulanka ayaa lagu gorfeeyay amniga, bilicda, dhismayaasha, dhiirragelinta dalxiiska iyo maamul-wanaaga magaalada Jowhar ee caasimada Dowladda Hirshabeelle.

Madaxweynaha Hirshabeelle ayaa ku ammaanay howlwadeennada Wasaaradda Arrimaha Gudaha shaqada baaxada leh ee ay gacanta ku hayaan.

“Wadajir aan ugu guntano horumarka caasimada, dhawaan dhismaha waddooyinka ayaa soo idlaan doono haddii uu Alle idmo.”

Ugu dambeyn Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle ayaa faray dhammaan dhinacyada ay quseyso horumarinta caasimada in lagula xisaabtami doono howlaha ay gacanta ku haayaan.

Related Articles

Stay Connected

24,006FansLike
308FollowersFollow
290SubscribersSubscribe
spot_img
spot_img
spot_img

Latest Articles