Tuesday, December 3, 2024

Maamulka Gobolka Banaadir oo sheegay inay u diyaar garoobeen inay qabtaan doorasho Qof iyo Cod.

Gudoomiye kuxigeenka Amniga iyo Siyaasadda Gobolka Banaadir Maxamed Axmed Diiriye Yabooh  ayaa sheegay in 20ka degmo ee Gobolka Banaadir ay u diyaarsan yihiin in lagu qabto Doorasho Qof iyo Cod ah ayna horey usoo wadeen qorshaha nidaamka doorashadaan.

Yabooh ayaa shaaca ka qaaday in Maamulka Gobolka Banaadir mar waliba ay qeyb ka ahaayen shirarkii madasha wadatashiga Qaran ayna diyaariyeen goobaha la dhigaayo Sanaadiiqda Codbixinta oo reer Muqdisho hal jeer ay u wada dareeri karaan inay codkoodi dhiibtaan.

Waxa uu xusay in laamaha amaanka ay ka xoreeyaan al shabaab magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho amaankana laisku haleen karo boqolkiiba boqol.

Dowladda uu hogaamiyo Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ku raja weyn in guud ahaan dalka ay ka qabato Doorasho Qof iyo Cod ah inkastoo ay jiraan mucaarado weyn oo ka hor imaanaya suurtagalnimada in dalku u diyaarsan yahay nidaamka doorasho Qof iyo Cod ah.

Related Articles

Stay Connected

24,006FansLike
308FollowersFollow
290SubscribersSubscribe
spot_img
spot_img
spot_img

Latest Articles