Qormadeena labaad ee gaarka ah ee ka soo baxda buuga cusub ee Pep Guardiola ee Etihad, ee uu qoray Marti Perarnau, oo ah ninka ugu dhow tababaraha ugu fiican adduunka, ayaa shaaca ka qaaday sida Lionel Messi uu ula sheekeystay macalinkiisa.
Shalay waxan idinla wadaagnay Khilaafkii dhex maray Pep iyo Sterling.
18 August, 2020 Pep ayaa la kulmay Messi si uu ugala hadlo dib u midoobida.
Pep Guardiola ayaa murugeysana ka dib markii City ay ka tuurtay Champions League kooxda Lyon.
Markii uu guriga ku sii jeeday, waxa uu farriin ka helayaa difaaciisii hore oo qaati ka taagana nolosha Barcelona.
Wax walba waxay ka bilowdeen WhatsApp-ka uu Sergio Aguero, kaaso soo qoray
“Wax weyn ayaa dhici kara.
Leo waxa uu i waydiiyay inta uu Pep kaga haray qandaraaskiisa.
Qof kasta oo ku soo laabtay Manchester isla markiiba wuu is furfuray laakiin Pep, oo ka soo duulay Lisbon, ma arko farriinta saacado badan.
Pep ayaa akhriyay qoraalka Leo ku saabsana laakin Ma cadda waxa ka dambeeya su’aasha Messi.
Pep wuxuu go’aansaday inuusan waqti dambe ku lumin.
Shan iyo toban saacadood ka dib hawada ayuu ku soo noqday.
Markan waxa uu raacay diyaaradda yar ee gaarka ah ee uu u isticmaalo safarradiisa Barcelona.
Tababarayaasha Juanma Lillo iyo Lorenzo Buenaventura ayaa la jooga, iyagoo ku sii socda nasiino wanaagsan.
Markii ay gaareen Barcelona, Pep ayaa dib u shiday taleefankiisa.
Waxa uu arkay fariin ka kooban Kaliya shan eray: ‘Hi Pep: sidee tahay?’
Saacadu Waa 4-ta galabnimo ee 17ka August 2020, oo Pep madaxa ayuu garaacaya.
Oo waxaa laga reebay Champions League.
Ciyaartoydiisa ayaa sidoo kale dhibban.
Kooxda waxaa ka jira dareen la yaab leh, ciyaartoyda qaarna wali waa xanaaqsan yihiin.
Pep ma uusan ogeyn, Messi ayaa sidoo kale la dhibtoonaya madax xanuun weyn oo isaga u gaar ah.
Afartii maalmood ee la soo dhaafay ee xiligaasi waxa uu ka murugeysana guuldaradii 8-2 ee ay Bayern Munich u geysatay Barcelona.
Ceeb iyo Bahdil ayaa ku dhacay maalintaasi, waxayna ahayd Natiijadoodii ugu xumayd.
Wax walba xanuun ayee lahaayen, Messi ayaana go’aan gaaray.
Waa waqtigii la qaadi lahaa hindisaha. Wuxuu u baahan yahay inuu hore u socdo.
Pep iyo Messi ayaa ugu dambeyntii kulmay, Waa markii labaad oo ay sidan oo kale kulmeen,
Markii hore ay kulmeen waxay aheyd xagaagii 2016 markaasoo Messi uu wajahay , 21 bilood oo xarig ah oo lagu xukumay qiyaano canshuur ah isagoo raadinayay nolol cusub.
U dhaqaaqida City ayaa u muuqatay mid macquul ah.
Aabihiis, Jorge, ayaa la xiriiray madaxa fulinta ee City Ferran Soriano, kaasoo ka codsaday Pep inuu la kulmo ciyaaryahanka.
Markii ugu horreysay muddo sannado ah labada nin waxay ku kulmeen Barcelona, guriga Leo.
Waxa ay u caddaatay Pep in Messi uu si dhab ah u doonayay in City ay u soo bandhigto xal wax ku ool ah dhibaatadiisa, laakiin tababaraha ma uusan dareemin xamaasad badan oo uu u qabo dhaqaaqista.
Hubaashii, maalmo gudahood, ciyaaryahanku wuxuu bilaabay inuu beddelo maskaxdiisa, oo uu iska sii joogo kooxdiisii Barcelona.