Wednesday, March 19, 2025

James Swan oo ku baaqay in $1.6 bilyan lagu taageero Soomaaliya

Ku-simaha Ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee QM, James Swan oo maanta khudbad ka jeediyey shirka Golaha Ammaanka ee QM ee arrimaha Soomaaliya, ayaa xusay sida ay DFS weli diiradda u saareyso arrimaha mudnaanta u leh Qaranka, oo ay ka mid yihiin dib-u-eegista dastuurka iyo hannaanka doorasho ee qof iyo codka ah, iyadoo Golaha Wasiirrada Federaalka ay ansixiyeen saddex xeer oo muhiim ah oo la xiriira doorashooyinka.

Dhanka doorashooyinkA, Mudane Swan wuxuu sheegay in ansixinta shuruuc doorasho oo la hirgelin karo iyo in la dhiso guddiga doorashada madaxa banaan ay noqon doonaan tilmaamo muhim ah oo muujinaya horumarka laga gaari karo doorasho qof iyo cod ah – wuxuuna ballanqaaday in QM ay ka taageeri doonto wax ka qabashada caqabadaha farsamo, saadka iyo kuwa kale iyo in la abaabulo taageero dhaqaale oo laga helo deeq-bixiyayaasha si loo gaarsiiyo doorasho waqtigeeda ku dhacda oo lagu kalsoonaan karo.

Ku-simaha Ergeygu waxa uu xusay inuu ka walaacsanyahay sii socoshada xiisadaha gobolka ka dib is-afgaradkii lagu dhawaaqay 1-dii Janaayo ee u dhexeysay Itoobiya iyo Somaliland, isagoo ammaanay dadaallada dhexdhexaadineed ee saaxiibbada caalamiga ah, waxa uu xusay go’aankii Golaha Ammaanka ee lagu xaqiijinayey madaxbannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya, isagoo ku boorriyey Itoobiya iyo Soomaaliya in ay iska kaashadaan sidii loo heli lahaa xal dublamaasiyadeed, iyadoo la raacayo sharciga caalamiga ah.

Dhanka baahiyaha bini’aadantinimo ee Soomaaliya, Mudane Swan waxa uu hoosta ka xariiqay in ay weli yihiin kuwo muhiim ah – “Xaaladda isbadalka cimilada oo sii xoogaysanaysa, colaadaha, cudurrada dillaaca iyo saboolnimada baahsan ayaa saameeynaya malaayiin Soomaaliyeed, dalkuna waxa uu kU jiraa xaalad baahi bini’aadantinimo oo ba’an. Waxaan ku baaqayaa in taageero dheeraad ah oo dhan $1.6 bilyan 2024 lagu bixiyo Baahiyaha Bini’aadantinimada iyo Qorshaha Jawaab celinta, kaas oo kaliya 37% la maalgeliyo,” ayuu yiri.

Related Articles

Stay Connected

24,006FansLike
308FollowersFollow
290SubscribersSubscribe
spot_img
spot_img
spot_img

Latest Articles