Monday, February 10, 2025

Israel oo in ka badan 60 ruux ku dishay Gaza iyo Yemen.

Agaasimaha cisbitaalka Kamaal Adwan ee woqooyiga Gaza ayaa sheegay in ilaa 50 qof ay ku dhinteen duqeyn ay Israelย  ku fulisay dhismo ku dhow cisbitaalkaasi oo ay ku sugnaayeen dad barakacayaal ah.

Dadka la dilay ayaa la sheegay in ay ku jireen shan ka mid ah shaqaalaha caafimaadka,kadib ย weerar cagga cirka ah oo ay Israaโ€™iil ku qaaday halkaasi sida ay ku warrantay wakaaladda wararka Falastiin ee Wafa.

Dagaalka Israel ka sokoow ย cunuggii afraad oo falastiiniyiin ah ayaa u dhintay qabow baโ€™an oo ka jira Gaza 72-kii saac ee la soo dhaafay, iyadoo boqolaal kun oo qof oo ku barakacay dagaalka Israaโ€™iil ay u halgamayaan inay kullaalaanย ย  teendhooyin jilicsan, sida ay sheegtay Wafa.

Dhanka kale ugu yaraan lix qof ayaa lagu dilay duqeymihii ugu dambeeyay ee Israaโ€™iil ay ka geysatay Yemen,sida uu xaqiijiyay Madaxa Hayโ€™adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Caafimaadka Adduunka (WHO) oo ku sugnaa Magaalada Sanca.

Tirada dhimashada Gaza ayaa ma gaartay 45,399 ,halka dhaawaca lagu sheegay 107,940 tan iyo Oktoobar 7, 2023.

Related Articles

Stay Connected

24,006FansLike
308FollowersFollow
290SubscribersSubscribe
spot_img
spot_img
spot_img

Latest Articles