Monday, December 2, 2024

Israel iyo Hezbollah oo bilaabay Xabbad joojin lagu dhameynayo dagaalka Lubnan.

Xabbad joojin u dhaxaysa Israa’iil iyo Xisbullah ayaa saaka dhaqangashay, iyada oo rajo laga qabo in xabbad joojintu ay soo afjarto werarada Israel ay ku hayso Dalka Lubnan  iyo sidoo kale weerarada xisbullah ay ku fuliso waqooyiga Israa’iil.

Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden ayaa sheegay in heshiiska dhexmaray Israa’iil iyo Xisbullah uu ku lug leeyahay in ciidamada Israa’iil ay ka baxaan Lubnaan muddo 60 maalmood ah, iyadoo milateriga Lubnaan ay la wareegayaan dhul ku yaalla koonfurta dalkaas .

Illaa hadda waxaa socata indho-indheyn ku aadan qaabka loo fulinaayo ama loo wajahayo xabbad-joojinta iyo in laga dhabeynayo soo afjaridda dagaalka.

Dhanka kale, Israa’iil ayaa tobanaan qof ku dilay Qaza oo ay ku jiraan 13 qof oo gabbaad ka dhiganaayay iskuul ku yaalla xaafadda Zeitoun ee magaalada Gaza.

Xasuuqa Israa’iil ee Gaza ayaa lagu dilay ugu yaraan 44,249 ,halka uu dhaawac soo gaaray104,746,waxaana sidoo kale dadka reer Lubnansoo gaaray dhimashada3,823 iyo dhaawaca 15,859 .

Related Articles

Stay Connected

24,006FansLike
308FollowersFollow
290SubscribersSubscribe
spot_img
spot_img
spot_img

Latest Articles