Waxaa xalay Saqdii Dhexe laga maqlay Magaalada Muqdisho laga maqlay dhawaqa tiro hoobiyeyaal ah oo kusoo dhacay meelo kamid ah Magaalada Muqdisho, kuwaas oo geystay khasaaro hantiyadood.
Hoobiyeyaasha oo la sheegay inay ahaayeen ilaa Saddex ayaa waxaa ay ku dhaceen qeybo kamid ah Garoonka diyaaradaha Aadan-Cadde ee Magaalada Muqdisho dhinaca xiga Xendaabka Xalane.
Khasaaraha horudhaca ah ee laga helay Hoobiyeyaasha ayaa waxaa ay sheegayaan in uusan jirin khasaaro nafeed, balse la arkayay dab ka kacay dhismo kuyaalla Gudaha Garoonka oo gubanaya, kaas oo ka dhashay khasaaro hantiyadeed.
Laamaha Ammaanka dowladda Soomaaliya weli wax faah faahin ah kama bixin hoobiyeyaasha lagu weeraray Garoonka diyaaradaha Aadan-Cadde ee Magaalada Muqdisho, balse dhowr jeer ayaa Al-Shabaab ay hoobiyeyaal ku weerareen Garoonka diyaaradaha Aadan-Cadde ee Magaalada Muqdisho.