Sunday, February 16, 2025

Hay’adda SODMA oo shixnad gargaar ah gaarsiiyey Diinsoor.

Hay’adda Maareynta Musiiboyinka (SoDMA), ayaa saakay laba diyaarad oo sida shixnad gargaar ah u dirtay degmada Diinsoor ee gobolka Baay ee dowlad goboleedka Koonfur Galbeed.

Gargaarkan ayay hay’adda SoDMA, ugu talagashay in la gaarsiiyo danyarta iyo qoysaska barakacyasha ah ee ku nool degmadaan iyo degaannada ku xeeran oo muddo go’doon ku jiray, si ay uga gaashaantaan abaarta la saadaalinaayo.

Shixnadaan gargaar waxaa hore SoDMA ugu deeqay Dowladda Shiinaha, waxaana mucawinadaan ku soo aadday iyadoo maalmihii danbe xaalado adag oo dhanka nolosha ah ay wajahayeen shacabka degmadaas.

Related Articles

Stay Connected

24,006FansLike
308FollowersFollow
290SubscribersSubscribe
spot_img
spot_img
spot_img

Latest Articles