Saturday, June 21, 2025

Hay`adda SoDMA oo Muqdisho ku qabatay Kulan si bille ah loogu talagalay Xaaladda Beni`aadanka

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka ee SoDMA, ayaa Muqdisho ku qabatay k’ulan si bille ah loogu gorfeeyo xaaladaha baniaadannimo ee Wadankeenna, waxaana si wadajir ah u guddoomiyay kulankaan Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA Maxamuud Macallin Cabdulle iyo ku-xigeenka ergeyga gaarka ah ee Qaramad’a ’M’’idoobay George Conwey.
Shirkaan oo ay ka soo qeybgaleen Madaxa OCHA Soomaaliya iyo xubno ka socday labada dhinac, iyo khubarrada farsamada ee SoDMA, ayaa diiradda lagu saaray caqabadaha dhaqaale ee haysta howlaha gurmadka, gaar ahaan yareynta lacagaha deeq-bixiyaasha iyo baahida loo qabo in dib loogu qiimeeyo howlaha iyo adeegyada hortabinta leh iyo mashaariicda hadda socda,
Labada dhibac ayaa isla gartay in si dhow loo qiimeeyo sidii loo wajihi lahaa arintaan , iyadoo la xoojinayo wadashaqeynta iyo isku-duwidda dadaallada baniaadannimo guud ahaan dalka. SoDMA ayaa markale muujisay sida ay uga goan tahay in ay la shaqeyso dhammaan bahwadaagta Caalamiga ah si loo dhiso nidaam baniaadannimo oo waxtar leh, lana tacaali kara xaaladaha adag ee baniaadannimo ee dalkeenna ka jira.

Related Articles

Stay Connected

24,006FansLike
308FollowersFollow
290SubscribersSubscribe
spot_img
spot_img
spot_img

Latest Articles