Wednesday, February 5, 2025

Hay’adda SoDMA iyo QM oo ka wada hadlay xaaladda bani’aadinnimo ee Soomaaliya.

Guddoomiyaha Hay’adda Maaraynta Musiibooyinka (SoDMA) Maxamuud Macallin Cabdulle iyo ku-xigeenka ergeyga gaarka ah ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay George Conway ayaa wadajir u guddoomiyay shirka daah-furka qorshaha ka jawaabista baahida bani’aadinnimo ee Soomaaliya ee sanadka 2025.

Shirkaan oo diiradda lagu saaray xaaladaha bani’aadannimo ee dalka ayaa lagu xusay in dad gaaraya 5.98 milyan oo qof oo Soomaali ah ay u baahan yihiin gargaar deg deg ah, taasoo lama huraan ka dhigeysa in la helo lacag dhan 1.42 bilyan oo dollar si loo gaaro dad ku dhow 4.57 milyan oo ruux oo abaaraha iyo colaaduhu saameeyeen.

Shirka waxaa kasoo qayb galay madax ka socota hay’adaha caalamiga ah, qaar ka mid ah Wasiirrada dowlad goboleedyada iyo dallada Ururrada NGO-yada ee Soomaaliya, si loo helo jawaab-celin isku-dhafan iyo u gurmashada dadka nugul ee haweenka, carruurta, waayeelka, naafada iyo dadka la heeb sooco ugu horreeyaan.

Related Articles

Stay Connected

24,006FansLike
308FollowersFollow
290SubscribersSubscribe
spot_img
spot_img
spot_img

Latest Articles