Saturday, September 14, 2024

Hawlgallo Maalintii labaad ka socda degaanno ka tirsan KGS.

Waxaa Maalintii labaad Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ay howlgallo xoogan ka wadaan degaano hoostaga degmada Waajid ee Gobolka Bakool, halkaas oo la sheegay inay dadka ku dhibaateyn jireen Ururka Al-Shabaab.

Howlgalka ayaa waxaa sigaar ah u fuliyay Ciidanka xoogga dalka gaar ahaan  Ururka 260-aad Guutada 9-aad qaybta 60-aad fadhigiisa yahay Degmada waajid Ee Gobolka Bakool, waxaana Ciidamada ay la wareegeen deegaannada kala ah, garas-Shimbirow, walag, garas-maamow oo dhanka Koonfur beri kaga beegan Degmada Waajid.

Howlgalka ayaa waxaa hoggaaminayey Taliyaha Ururka 260-aad guutada 9-aad Labo Xidiglle Onkod Macalin Aadan isagoo sheegay in ay ka burburiyeen saldhigyo Al-Shabaab deegaanadaas ku dhibaateyn jirtay shacabka Xoolo dhaqatada ah.

Sidoo kale Taliyaha waxaa uu sheegay inay sii wadi doonaan howlgalka ka dhanka ah Al-Shabaab ilaa iyo inta laga xaqiijinayo amniga degaannada hoostaga degmada Waajid ee Gobolka Bakool.

Dhowrkii sano ee la soo dhaafay ayaa Al-Shabaab waxaa ay Go’doomiyeen degmooyin badan oo katirsan Gobolka Bakool, halkaas oo dadka ku nool ay dareemayaan culeys ka dhashay Go’doominta, kaas oo uu ugu weydn yahay sicir bararka

Related Articles

Stay Connected

24,006FansLike
308FollowersFollow
290SubscribersSubscribe
spot_img
spot_img
spot_img

Latest Articles