Saturday, December 14, 2024

Gudoomiyaha gobolka Shabeellada Hoose oo faah-faahin ka bixiyay dab qabsaday suuqa Ceelasha Biyaha.

Guddoomiyaha Gobolka Shabeellada hoose Maxamed Ibraahim Barre ayaa ka hadlay qaraxyo ay khawaarijtu ku xirtay xalay suuqa Weyn degaanka Ceelasha Biyaha, kaas oo dhaliyay inay gubtaan in ku dhow 30 dukaamo oo lagu iibinayay agabyo kala duwan.

Mudane Maxamed Ibraahim Barre ayaa sheegay in suuqa intiisa badan gubtay hanti badan ay ku baabaday, kaas oo ugu dambeyna lagu guleystay in la damiyo dabka oo ka dhashay qaraxyo ay khawaarijtu ku xirtay suuqa.

Mudane Maxamed Ibraahim Barre ayaa badal kheer qaba u rajeeyay ganacsatada ku hanti beeshay dabka ka kacay suuq Marwa Tow ee degaanka Ceelasha Biyaha.

“Waxaan murugada la qaybsanayaa ganacsatada hantidoodu ku gubatay suuqyada deegaanka lafoole gaar ahaan Ceelasha Biyaha kuwaasi oo ay arxanlaawayaasha Khawaarijta ay la beegsadeen qaraxyo dhowr ah”

Guddoomiyaha waxa uu sheegay in hay’adaha amnigu baarayaan qabkii ay ugu suurta gashay dhagar qabayaashu in ay gubaan suuqa.

Related Articles

Stay Connected

24,006FansLike
308FollowersFollow
290SubscribersSubscribe
spot_img
spot_img
spot_img

Latest Articles