Thursday, September 19, 2024

Guddoomiyaha SODMA oo Jowhar u tagay qiimeynta Khasaarihii ka dhashay Dabkii ka kacay Suuqa Jowhar 

Wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, qeybna ka yihiin madax ka tirsan hay’adda OCHA ayaa maanta gaaray xarunta maamulka Hirshabeelle ee Jowhar.

Ujeedka wafdiga ayaa ah u kuur-galidda khasaarihii ka dhashay dabkii qabsaday suuqa magaalada Jowhar ee gobolka Shabeelllada Dhexe, si ay u soo qiimeeyaan baaxada saamaynta ka dhalatay dabkaas, iyagoo isla maanta kormeeray suuqaas.

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka iyo masuuliyiin la socday ayaa la kulmay qaar kamid ah ganacsatadii ku hantibeelay dabka, wuxuu baaq u jeediyey dhammaan shacabka Soomaaliyeed iyo hay’addaha gargaarka inay u soo gurmadaan Ganacsatada walaalahood ah.

Related Articles

Stay Connected

24,006FansLike
308FollowersFollow
290SubscribersSubscribe
spot_img
spot_img
spot_img

Latest Articles