Thursday, November 21, 2024

Guddoomiyaha Aqalka Sare oo la kulmay xubno ka socday Midowga Jaamacadaha dalka.

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay xubno ka socday Midowga Jaamacadaha Soomaaliyeed, isagoo ka dhagaystay warbixin ku saabsan xaaladda guud ee waxbarashada dalka iyo tabashooyin kale oo ay qabeen.

Guddoomiyaha ayaa xusay in bahda waxbarashadu ay yihiin lafdhabar xilli adag u kacay waxbaridda ubadka Soomaaliyeed isla markaana u soo dhabar adaygay si ay u badbaadiyaan mustaqbalka ubadka Soomaaliyeed, iyagoo kasoo dhalaalay kaalin muhiim ah oo bannaaneyd, soona saaray jiilal tayo leh oo ay ka badbaadiyeen jahliga iyo colaadihii dalka ka jiray.

Ugu dambayn Guddoomiye Cabdi Xaashi ayaa faray guddiga arrimaha bulshada Aqalka Sare in ay si dhow ula shaqeeyaan Midowga Jaamacadaha Soomaaliyeed si kor loogu qaado nidaamka waxbarashada dalka.

Related Articles

Stay Connected

24,006FansLike
308FollowersFollow
290SubscribersSubscribe
spot_img
spot_img
spot_img

Latest Articles