Sunday, December 21, 2025

Golaha Wasiirada Hirshabeelle oo ka shiray Amniga & Mahashaariicda Jowhar.

Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa shir-guddoomiyey kulanka Golaha Wasiirrada oo looga hadlay arrimo dhowr ah.
Ugu horreyn Wasiirka Wasaaradda Amniga ayaa ka warbixyey xaaladdaha ammaanka ee Dowladda Hirshabeelle.
Golaha ayaa boogaadiyey xaq-u-diriirka deegaanka Gobalka Hiiraan oo soo af-jaray nolosha dilaaga Cali Qoyane oo horay xukunsane u ahaa kaddib markii uu haween, carruur iyo waayeel uu nolosha ku gubay.
Wasiirrada Beeraha iyo Howlaha Guud ayaa Golaha uga waramay mashaariicda kala ah Biyo-xireenka Sabuun (JOSP) iyo dhismayaasha waddooyinka Jowhar iyo Beledweyne oo dhammantood ay socdaan dardargelinta lagu dhammeystiri lahaa.
Golaha Wasiirrada, ayaa ansixiyey Xeerka Mihnadlayaasha Caafimaadka Dowladda Hirshabeelle oo ay soo diyaarisay Wasaaradda Caafimaadka.
Sidoo kale shirka Golaha Wasiirrada ayaa lagu dhaariyey Wasiirka Ganacsiga, Wasiiru-Dowlayaasha Dastuurka, Tamarta iyo Kaluumeysiga.
Ugu dambeyn Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle ayaa faray Golaha Wasiirrada in dhammaan howlaha hor-tebinta leh in la dhaqaajiyo.

Related Articles

Stay Connected

24,006FansLike
308FollowersFollow
290SubscribersSubscribe
spot_img
spot_img
spot_img

Latest Articles