Sunday, December 22, 2024

G/gobolka banaadir oo guddoomiyay Shirka Degmooyinka Gobolka Banaadir.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Maxamed Axmed Amiir ayaa guddoomiyay Shirka Degmooyinka Gobolka Banaadir oo looga hadlay qorshaha dardargelinta bilicda Caasimadda, wax ka qabashada biyo qabadyada iyo biyo mareenada, amniga iyo u diyaar garowga doorasho qof iyo cod ah oo ka dhacda Gobolka Banaadir.

Duqa Muqdisho ayaa shirka kusoo bandhigay qorshayaasha hortabinta u leh oo ay ugu horeeyaan magaalo nabdoon, nadiif ah, cagaaran, bulshada oo hesha adeegyada aas-aasiga ah iyo in talada dib loogu celiyo shacabka si ay usoo doortaan hoggaankooda.

Waxa uu sidoo kale kula dardaarmay Maamulada Degmooyinka Gobolka Banaadir in si wadajir ah looga wada shaqeeyo horumarinta Caasimadda, in bulshada si hufan oo daacadnimo ah loogu adeego loona dhimriyo dadka baahiyaha gaarka ah qaba iyo barakacayaasha ku nool magaalada.

Shirkan oo ay goobjoog ka ahaayeen guddoomiye kuxigeennada Maamulka Gobolka Banaadir ayaa inta uu socday lagu soo bandhigay qorshaha u diyaar garowga miisaaniyad sanadeedka 2025, qaab-dhismeedka Maamulada Degmooyinka, qorshe howleedka sanadka 2025 iyo xoojinta amniga Caasimadd.

Related Articles

Stay Connected

24,006FansLike
308FollowersFollow
290SubscribersSubscribe
spot_img
spot_img
spot_img

Latest Articles