Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax galinkii dambe ee Shalay ka dhacay inta u dhaxeya degmooyinka Afgooye iyo Wanlaweyn ee gobolka Shabeellaja Hoose.
Qaraxaan oo ka dhacay deegaanka lagu magacaabo Doonka ayaa ahaa miino nooca dhulka lagu aaso, kaasoo haleelay gaari ay la socdeen dad shacab ah.
Inta la xaqiijiyay ilaa afar ruux oo ka mid ahaa rakaabka saarna gaariga miinadu haleeshay ayaa geeriyooday, waxaana sidoo kale ku dhaawacmay laba ruux oo kale oo ka mid ahaa rakaabka.
Dadkaan masaafurka ahaa ee miinada la qaraxday gaariga ay la socdeen ayaa kusii jeeday degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose.
Qaraxyada noocaan oo kale ayaa inta badan ka dhaca deegaano iyo degmooyin kala duwan oo ka mid ah gobolada dalka, waxaana qaraxyadaan miino inta badan wadooyinka ku aasa kooxda Al-shabaab ee dagaalka kula jirta ciidanka dowladda iyo kuwa ATMIS.