Wednesday, February 12, 2025

Duqa Muqdisho oo kulan la qaatay qeybaha Bulshada Caasimadda.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Maxamed Axmed Amiir ayaa Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar kulan Talo-wadaag ah kula qaatay qaar ka mid ah Dhallinyarada, Aqoonyahanada, Bahda Caafimaadka iyo xirfadleyaal kale, si uu ugu dhageysto talooyinkooda iyo aragtidooda ku aadan horumarinta Caasimadda.

Kulanka ayaa lagu soo bandhigay talooyinka iyo aragtiyo la xariira Maamul Wanaaga, Amniga, Nadaafada, Caafimaadka, Waxbarashada, Dib u eegista adeegyada ay bixiso Dowladda Hoose ee Xamar, Dib u furista waddooyinaka dhagxaanta ku go’an, ilaalinta dhulalka danta guud, Xal u helida maareynta biyaha, Dhismaha waddooyinka, Hirgelinta nidaamka Doorashooyinka iyo Xoojinta la dagaalanka Musuqa.

Duqa Muqdisho ayaa hoosta ka xariiqay in hirgelinta siyaasadiisa uu ku biirin doonno talooyinka ay caawa soo gudbiyeen Dhallinyarada iyo Aqoonyahanada, si uu u fuliyo qorshe si wadajir ah ugu yimid bulshada Caasimadda, asigoona ka codsaday in lagala shaqeeyo laguna garab istaago sidii Magaalada Muqdisho uu ula tartan siin lahaa Magaalooyinka kale ee dunida.

Related Articles

Stay Connected

24,006FansLike
308FollowersFollow
290SubscribersSubscribe
spot_img
spot_img
spot_img

Latest Articles