Dawladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka hor timid Guddi uu Xalay Magacaabay Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe.
Dowladda dhexe oo soo aaartay qoraal ay kaga hadlayso tallaabada Axmed Madoobe aayaa sheegtay in aysan waxba kajirin guddigii doorasho, uuna yahay sharci darro.
War Saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Xukuumadda Federaalka lagu sheegay in Madaxweynaha Jubbaland waqtigii ka dhamaaday August 2023-kii.
Dowladda dhexe ayaa sheegtay in tani ay tahay Tallaabo qaldan oo ay qaadday Jubbaland, iyadoo sidoo kale Warsaxaafadeedka lagu xusay in doorashadii dhacday 2019 kii ee Jubbaland lagu heshiiyay in Axmed Madoobe uusan isi soo sharraxin doorashada dambe.
“Dowladda Federaalka waxay cambaareyneysaa tallaabada sharci darrada ah ee Mudane Axmed Madoobe ku magacaabay Guddi is doorasho, waxeyna uga digaysaa tallaabo kasta oo sharci darro ah, taas oo abuuri karta qalalaase siyaasadeed, mid amni iyo mid dhaqaale.” ayaa lagu yiri qoraalka War saxaafadeed Wasaaradda Arrimaha Gudaha.
Arrintaan ayaa timid kadib markii Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Jubaland M Axmed Maxamed Islaam ( Axmed Madoobe) uu xalay magacabay Guddiga Madaxa banaan ee Xudduudaha iyo Doorashooyinka Jubaland.
Kuwaas oo ka kooban 7 xubnood oo uu shsegay inay ka shaqeyn doonaan doorashooyinka iyo xuduudaha.