Tuesday, May 13, 2025

Dowladda Federaalka oo lagu bogaadiyay baarista iyo isla-xisaabtanka maaliyadeed.

Xoghayaha Guud ee Urur Gobaleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika Marwo Veronica Mueni Nduva, ayaa si weyn u bogaadisay doorka firfircoon ee ay Soomaaliya kaga jirto BBA, gaar ahaan dadaallada uu muujiyay Xafiiska Hantidhowrka Guud ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya (JFS), intii ay socotay Baarista Maaliyadeed ee Hay’adaha Dowladda ee BBA.

Bogaadinta ayaa timid kadib markii Hantidhowraha Guud ee JFS, Mudane Axmed Ciise Guutaale, uu si rasmi ah uga qaybgalay Kulanka 47-aad ee Golaha Wasiirrada Urur Gobaleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika (EAC), oo 25kii April 2025 lagu qabtay magaalada Arusha ee dalka Tanzania.

Intii lagu guda jiray kulanka, Guddiga Hantidhowrka ee Urur Gobaleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika (EAC) ayaa soo bandhigay warbixinta baarista maaliyadeed ee Urur Gobaleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika (EAC) ee sanadkii dhammaaday 30-ka Juun 2024, iyada oo si gaar ah loo ammaanay kaalinta iyo taageerada uu bixiyay Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS.

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS ayaa xoojiyay dadaallada lagu horumarinayo wada-shaqaynta uu la leeyahay hay’adaha iyo ururrada – heer caalami iyo heer gobol, si loo kordhiyo hufnaanta iyo isla-xisaabtanka maaliyadeed ee gobolka, loona adkeeyo kaalinta Soomaaliya ee dunida.

Related Articles

Stay Connected

24,006FansLike
308FollowersFollow
290SubscribersSubscribe
spot_img
spot_img
spot_img

Latest Articles