Masuuliyiintii maamulka la baxay Hiiraan State Cabduqaadir Colow iyo Cabdirashiid Ilkacase ee halkii sano ee lasoo dhaafay gacanta ku haayay xarumaha maamulka gobolka Hiiraan, kan degmada Baledweyne iyo xerada Militariga ee Lamagalaay ayaa maanta si rasmi ah ugu wareejiyay dhamaan xarumahaas masuuliyiin ka socotay dowladda Fedaraalka.
Xarumahaan ayaa waxaa lagu wareejiyay wafdi ka socda dowladda Fedaraalka oo maalmahii laso dhaafay ku sugnaa Baledweyne, kuwaas oo ay hoggaaminayaan Wasiirka Batroolka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Daahir Shire Maxamed, Agaasimaha Hay’adda Nabad sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe iyo Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo laga soo doorto gobolka Hiiraan.
Ugu horeyn masuuliyiintii maamulka la baxay Hiiraan State oo ka hadlay munaasabad kooban oo ay xarumahaan ku wareejinayeen waxay sheegeen in dowladda Fedaraalka ay ka sugayaan dhameystirka waxyaabaha dhiman oo ay ugu weyn tahay in la helo maamul loo dhan yahay oo ay dadka reer Hiiraan ku qanacsan yihiin.
Wasiirka Batroolka Soomaaliya iyo Taliyaha NISA oo dhankooda ka hadlay goobta ayaa balan qaaday in dowladda Fedaraalka ay ka shaqeyn doonto in dadka reer Hiiraan ay helaan nidaam loo dhan yahay.
Wasiir Daahir Shire iyo mas’uuliyiinta kale ka socota dowladda Fedaraalka ayaa ugu baaqay shacabka reee Baledweyne iney taageeraan dadaalada dowladdu ku xoojinayso amniga iyo maamul wanaagga, waxayna ballan qaadeen in xarumahaan ay ku sameynayaan dhib u dhis xoogan si loogu adeego bulshada.
Ugu dambeyntii ciidanka xoogga dalka ayaa maanta furay dhamaan wadooyin muhiimka ah oo xirnaa tan iyo markii magaalada Baledweyne lagu qabtay doorashadii Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ee deegaan doorashadoodu aheyd Baledweyne bishii febraayo ee sanadkii 2022-kii, waxaana xirnaashaha wadooyinkaan ku dhib qabay dadka iyo gaadiidka.