Wednesday, February 12, 2025

Dagaal culus oo saaka mar kale ka dhacay magaalada Dacawaley ee Dowlad Degaanka Soomaalida.

Wararka ka imaanaya magaalada Dacawaley ee Dowlad Degaanka Soomaalida ayaa sheegaya in saaka uu mar kale dagaal culus ka bilowday magaalada Dadcawaley, dagaalkan ayaa waxa uu u dhaxeeyaa Ciidamada Dowlad Degaanka Soomaalida iyo Maleeshiyaad hubaysan.

Dagaalkan oo bilowday 6dii subaxnimo ee saaka ayaa waxa uu ka bilowday magaalada Dacawaley iyo magaalooyinka oo katirsan degmada Xarshin ee Dowlad Degaanka Soomaalida, waxaana lasoo sheegayaa in dagaalka saaka dib uga billowday degaanka Dacawaley uu aad uga culus yahay dagaalladii maalmihii lasoo dhaafay ka socday aagaas.

Ma jiraan warar madax banaan oo xaqiijinaya khasaaraha dhabta ah ee ilaa hadda ka dhashay dagaalkan maanta, balse wararka ka imaanaya dhinaca Dowladda ayaa sheegaya in khasaare badan loo gaystay maleeshiyaadkii dhawaan weerarka ku qaaday Ciidamada Degaanka Soomaalida, sidoo kale Warbaahinta taageerta Dowladda ayaa iyaduna soo bandhigtay Gawaadhi lagu sheegay in laga qabsaday Maleeshiyaadka soo duulay.

Hay’adaha Amniga ee Dowlad Degaanka Soomaalida ayaa Shacabka ku dhaqan degaannada uu saaka dagaalku ka bilowday waxay u sheegeen inay shacabku guryahooda ku sugnaadaan, isla markaana aysan qarin Maleeshiyaadka ku sugan magaalooyinka uu dagaalku ka socdo maanta..

Dhinaca kale waxaa lasoo sheegayaa oo ilo madax banaan ay soo sheegayaan in la xidhay guud ahaan xuduudka uu degaanka Soomaalidu la wadaago Somaliland, gaar ahaan aagaga uu maanta dagaalku ka socdo, waxaa xuduuda saaka xidhay Ciidanka Militariga Itoobiya oo kaashanaya kuwa Dowlad Degaanka Soomaalida, sababta loo xidhay ayaa lagu sheegay si aysan gurmad dibadda ah u helin Maleeshiyaadka ku sugan gudaha Dacawaley.

Ma jiraan warar madax banaan oo laga helayo dagaalka saaka ka socda degaanka Dacawaley, marka laga reebo dhanka Xukuumadda Dowlad Degaanka Soomaalida oo sheegaysa inay Ciidanka Dowlad Degaanka Soomaalidu la wareegeen Dacawaley oo ahayd halkii uu ka bilowday dagaalku.

Dagaallada saaka dib uga qarxay magaalada Dacawaley ayaa kusoo aadaya xilli maalmihi lasoo dhaafay ay degganayd xaaladda Dacawaley, inkastoo ay labada dhinac is horfadhiyeen dhowr jeer oo la isku dayay in xal laga gaaro colaadana lagu guulaysan waayay, ayaa mar kale saaka dib dagaalkani uga qarxay Dacawaley iyo magaalooyin dhowr ah oo ku teedsan dhinaca xuduuda uu degaanku la wadaago Somaliland.

Related Articles

Stay Connected

24,006FansLike
308FollowersFollow
290SubscribersSubscribe
spot_img
spot_img
spot_img

Latest Articles